berberatoday.com
Amarkii Xukuumaddu Ku Joojisay Isticmaalka Furaha Internetka Somaliya Oo Saamayn Toos Ah Ku Yeeshay Jamaacadaha Ugu Weyn Somaliland Oo Hadda Uun La Ogaaday Inay Si Toos Ah Ugu Xidhnaayeen Furaha Somaliya
March 13, 2018 - Written by Berbera Today

 Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Boosaha Isgaadhsiinta Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi ayaa shalay soo saaray Go’aan lama qodob ka kooban oo ku saabsan furaha Internetka Soomaaliya,kaasi oo uu uga digay in gayiga Somaliland lagu isticmaalo ama la adeegsado Domain-ka Internetka ee Mareegaha Lagu isticmaalo ee u khaaska ah Dawladda Soomaaliya ee “Dot So”,isagoo muddo kooban u qabtay Ciddii isticmaashaa inay kaga digo rogoto,Waxaanu go’aankani si gaar ah u saameeyay Jaamacadaha ugu waa wayn Somaliland ee Qaranka Somaliland leeyahay ee University of Hargeisa Iyo Amoud University kuwaasi oo la ogaaday innay muddoba adeegsanayeen Domain-ka Soomaaliya oo ay si toos ah ugu xidhnaayeen.
Amar Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiintu shalay Soo saaray oo uu Warbaahinta ka hor akhriyay kuna socod siiyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland,Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland,islamarkaana uu ogaysiin siiyay Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu ku yidhi“Adeegsiga “Domain-ka Dot-SO”oo ah adeeg lagu isticmaalo Website-yada, Tixraac Dastuurka Somaliland, Qodobkiisa 1-Aad,Farqadiisa koowaad iyo Xeer nidaamiyaha Wasaaradaha iyo Hay’addaha Dawladda,Xer.NO.2018, ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo saaray,Wasaaraddan oo u xilsaaran Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,adeegsiga Iyo maamulista isgaadhsiinta iyo technology-yadda,wasaaraddu iyadoo sidoo kalena ogsoon Raadka ay ku yeelan karto isticmaalida Waxa la yidhaa “TOP.DOMAIN LEVEL.SO” taasi oo dhaawici karta Qaranimada iyo Madax bannaannida Somaliland,Waxa ay Wasaaradda Technolojiyadad Iyo Isgaadhsiintu soo saartay Go’aamada hoos ku Xusan ee la xidhiidha Domain-ka Dot-SO”.
1 – Waxa ka reeban Adeegsiga “Top-Domain Level.So” Cid kasta oo cinwaan ku leh Internetka Sida Jaamacadaha,Shirkadaha,Baananka,Ururada Maxaliga ah,iyo kuwa Dawliga ah,oo dhamaantood ka diwaan gashan Somaliland.
2- Waxaa la farayaa Mulkiilayaasha Mareegaha Internetka ama Website-yada ee imika isticmaala Top-Domain Level-ka “Dot So”,inay Muddo sodon maalmood ah kaga wareegaan Mudadaasi oo ka bilaabaysa Bari oo ay Bisha March tahay 12,una Wareegaan Kuwa madaxa bannaan ee aanay Cidi lahayn,sida “Dot Com,Dot Org,Dot Net,Iyo Wixii la mid ah,Marka ay dhamaato muddada sodonka maalmood ee Qodobkaasi labaad uu xusayo,Waxaa la xayiri doonaa ama xanibi doonaa Website kasta ama mareeg kasta oo isticmaasha “Top Domain Level.So”,sidaasina waa Go’aankii Wasaaradda Technology-yadda”.ayuu hadalkiisa ku soo koobays.
Baadhitaan Wargeyska Foore ku sameeyay Xarumaha Magaca leh ee Somaliland ka samaysan ee adeegsada Domain-ka Soomaaliya ayaa waxaanu ogaanay inay horseed ka yihiin Jaamacadaha Dawliga ah ee Hargeysa University iyo Camuud University oo ay ka diwaangashan yihiin islamarkaana ay iska diwaangaliyeen Domain-ka u khaaska ah Dalka Soomaaliya ee Colaad iyo dagaalka ku haya Somaliland,Waxaanay Mareegahooda u gaarka ah ka samaysteen Top-Domain Levelka Soomaaliya ee uu Wasiirka Boosaha Isgaadhsiintu digniinta ka bixinayo. Waxa kale oo jira Hay’addo kale oo Somaliland ka hawlgala oo Adeegsada Domainkaasi,Waxaana la eegi doonaa sida uu amarkaasi Wasiirka Boosuhu u fulo iyo halka uu ku dambeeyo.
Mareegta Internetka ee Jaamacada Camuud ayaa u samaysan sidan “Www. Amoud.Edu.So”., halka ay Mareegta Jamaacada Hargeysina Tahay Www.UOH.Edu.So”.

 

 

 

Xigasho Wargeyska Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews