War deg deg ah: Madaxweyne Muuse Biixi oo safar degdeg ah ugu baxaya goordhow dalka Imaaraadka Iyo sababta socdaalkaasi:-
March 13, 2018 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa,(Berbertoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa labada saacadood ee food a inagu soo haya gudahooda ugu anba baxaya dalka Imaaraadka, madaxwaynaha ayaa raacaaya diyaarad khaas ah oo ay dawlada Imaaraadku u Soo dirtay diyaaradaasi oo ah nooca casriga ah oo ay leedahay shirkada Global solution services oo ah nooca loo yaqaano Gl500.
Socdaalkani uu Muuse Biixi ku tagaayo magaalada Abudabay ilaa hada kamay hadal xukumadda Somaliland, has ahaatee warar ay shabakada Qarannews, ka helayslo dad ku dhow dhow xaga Imaaraadka ayaa sheegaaya in socdaalkani uu Soo afjaraayo sexeexa heshiiska Saldhiga magaalada Berbera ay ka samaysanayaan dalka Imaaraadku.
Dhanka kalena waxa ay madaxtooyadu amar culus saartay wakaalada duulista iyo hawada Somaliland in ay 24 saacadood gudahood kaga guuran madaarka Berbera oo a dhamaan agabka ka yaala ka qaataan xagaasi.
Dhanka kalana waxa jira socdaalkani uu madaxwaynaha Somaliya uu ugu anba baxaayo dalka Qatar, socdaalkaasi oo isaga laftiisu dareen xoogan uu ka dhex abuuri karo xiisadaha ka kala dhex oogan dalka Imaaraadka Iyo Qatar, waana mid xiisahiisa leh, waxana labadan socdaalkani ay dabka KU sii qaban doonaan xiisadaha siyaasadeed ee ka kala dhex oogan Imaataadka iyo Qatar Ito sidoo kale Somaliland iyo Somaliya.