Imaaraadka Oo Bilaabay Inuu Dalkiisa Ka Soo Dareeriyo Muwaadiniinta Ka Soo Jeeda Dalka Jabuuti Iyo Baasaaboorka Somaliland Oo Qarka U Saaran In Dalkaas Lagu Tago
March 15, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay bilaabeen qorshe ballaadhan oo ay dalkooda kaga eryayaan muwaadiniinta ka soo jeeda waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti halka ay sidoo kale damacsan yihiin in ay caqabado culus ku soo rogaan muwaadiniinta u dhashay waddanka Soomaaliya ee sita Baasaaboorka Soomaaliga iyada oo wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in ay Imaaraadku dhinaca kale ku hawlan yihiin sidii ay Muwaadiniinta reer Somaliland ugu fududayn lahaayeen isticmaalka Baasaaboorka Somaliland.
