Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Mudduciga Soomaaliya Ku Tahay Maal-gelinta Dekedda Berbera Uu Fursad Siiyey Somaliland
March 18, 2018 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah Weftiga uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland ee safarka shaqo ku jooga Dalka isku tagga Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in Go’aankii toddobaadkii hore uu Baarlamaanka Soomaaliya uu DP World kaga mabnuucay Soomaaliya ay Somaliland wax badan u fududaysay.
Faysal Cali Waraabe oo Shalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da waydiisay ujeeddada ay Imaaraadka u joogaan, ayaa sheegay inay u joogaan Maalgelinta iyo horumarinta Somaliland isla-markaana fursadaha Somaliland ka helayso Adduunka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta uu dardar-geliyey Go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku diiday heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ee Itoobiya laga siiyey 19%-ka.