berberatoday.com
Dawlada Somaliland Oo Dacwad Ka Gudbisay Idaacada VOA-da Iyo Danbiga Loo Haysto
March 20, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa waraaq dacwad ah ka

 gudbisay laanta AfSoomaaliga ee Idaacadda VOA ,sida ay baahisay Wakaalada Wararka Somaliland ee SOLNA .

Image may contain: sky and text

Waraaqdan dacwada ah oo ka soo baxday 18 kii bishan March xafiiska wasiirka wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) waxa lagu socodsiiyay ku simaha Agaasimaha Qaybta Africa ee VOA Scott Stearns, iyo Madaxa laanta Af Soomaaliga Cabdiraxmaan Yabarow. Waxa xukuumaddu ay sheegtay in idaacada VOA ay wado dhex dhexaad la’aan iyo dheelitir la’aan ay kaga xagliso Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Warqadan ayaa lagu sheegay in badhtamihii sannadkii 2017kii Jamhuuriyadda Somaliland u dirtay VOA cabashooyin in ka badansaddex jeer, kuwaasi oo aanwaxba laga beddelin habkii ay idaacadaasi wax uga baahinaysay Somaliland.

Siday werisay Wakaallada SOLNA, Waxa warqada lagu xusay barnaamijkii dooda ahaa ee 15 March ka baxay ka laanta Af Soomaaliga ee ku saabsanaa heshiiskii Dekedda Berbera ee ay wada galeen DP World,Somaliland iyo Ethiopia, taasi oo ay ka muuqatay in loo xaglinayo dadkii ka soo horjeeday heshiiskaasi ee dhinaca Somalia.

Xukuumaddu waxay ku eedeyaysay in doodaas ay idaacadu soo wada qaadatay dadkii heshiiska ka soo horjeeda oo kaliya balse aanay jirin cid taageersan heshiiska oo la sii daayay.

Ugu dambayn waxa xukuumaddu sheegtay inay waajib tahay in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii xukuumadda Somaliland iyo VOA-da.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews