berberatoday.com
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Sheegay In Xukun Lagu Riday 200 Oo Ka Mid Ah Dhallinyarada Rabshadaha Ka Sameeya Magaalooyinka Dalka
March 20, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka warramay dedaal ay ku suulinayaan rabshadaha iyo dhibaatooyinka amni-darro ee ay Magaalooyinka Dalka ka sameeyaan dhallinyarada Kooxaha isku samaystay.

Warka Wasiirka Arrimaha gudahaWasiir Kaahin oo Shalay Xog-warran la xidhiidha Xaaladda amni ee Dalka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa sheegay in Booliisku qab-qabtay dhallinyaro gaadhaysa 200 Boqol oo ka mid ah Kooxaha rabshadaha ka sameeya Magaalooyinka Hargeysa ka mid tahay isla-markaana la xukumay.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Culays weyn baa ka soo kordhay Magaalooyinka waaweyn gudahooda, Dhallinyaradii oo kooxo isku samaystay, qaar Magacyo la baxay, Kufsi faro badan baa dhacay, Dad faro badan baa hanta laga dhacay, arrintaa Culays xoog leh ayaanu saarnay, Dad laba boqol ku dhow la qabtay oo la xukumay. Waxaanu go’aansanay dhallinyarada Magaalada gudaheeda ka wada qaska wixii la qabto ee Gobollada Galbeedka ah inaanu geyno Jeelasha Gobollada bariga, kuwa barigana inaanu geyno Jeelasha Gobollada Galbeedka.”

Wasiirka Arrimaha guduhu waxa kale oo uu ka hadlay Tahriibayaal iyo Magafeyaal la qab-qabtay “Waxa kale oo hawl badan laga qabtay Dadka Tahriibayaasha ah iyo Magafeyaashooda, waxa la hayaa Tiro door ah oo Tahriibayaal ah iyo Magafeyaal laga soo qabtay Xeebta Galbeedka.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dadka La Tahriibinayaa barigii hore xagga Puntland bay inoo dhaafi jireen, waxna xagga Itoobiya ayay sii mari jireen, laakiin kuwa la qabtay waxa laga dhoofiyaa xeebaheena, markaa (Si looga hor-tago) Ciidammada Booliiska, Milletariga xeebaha jooga iyo ciidanka ilaalada Xeebaha ayaanu wadaajinay, waxaanuna ku nidhi Ciidanka xeebaha hadba meesha la yidhaahdo halkaas ayay ku badan yihiin (Tahriibayaashu) culays saara.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews