War Deg Deg Ah”Xisbiga Waddani Oo Kudhawaaqay Inuu Kalsoonidii Kala Noqdey Kominshanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland”Daawo Warbixin Muuqaal Ah
March 22, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo goor dhaweyd warbaahinta kula hadley xafiiskiisa waxaa u sheegay in xisbiga Waddani uu kalsoonidii kala noqdey Kominshanka doorashooyinka Somaliland
Gudoomiyaha ayaa sheegay in maanta ay u gudbiyeen Madaxweynaha Warqad ay kaga codsanayaan in uu kala diro Kominshanka doorashoyinka isla markaana aanu xisbiga Waddani kalsooni ku qabin doorasho danbe oo ay dalka ka qabtaan
Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa waxaa uu ku hanjabay in uu dhawaan warbaahinta iyo shacabka reer Somaliland u soo bandhigi doono khaldaad iyo gafaf ay kominshanku sameyeen wakhtigii doorashada madaxtooyada oo xisbiga Waddani danta dalka dartii u aqbalay