Daawo Muuqalka”Xildhibaan Ay Wasiir Guribarwaaqo Isku Jufo Yahiin Oo Ka Difaacay Wasiirka Eedo Loo Soo Jeediyey
March 24, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) oo ka
mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland kana soo jeeda beesha Makaahiil ee wasiir Guri Barwaaqo ka soo jeedo ayaa qaybo ka mida warbaahinta kula hadlayay xarunnta aqalka baarlamaanka waxaanu wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ka difaacay eedaymo uga yimid mudanayaal ka tirsan guurtida iyo wakiillada.
Xildhibaankan ayaa si adag u maagay xildhibaan Jaamac Riyo iyo Xildhibaan Nacnac oo beesha Arab ka soo jeeda kuwaas oo dhawaan wasiirka ku dhalliilay weedhaha buuggiisa ku jira xilli baarlamaanka looga yeedhay wasiir Guri Barwaaqo. Mudanahan difaacay wasiirka ayaa sheegay in ay mudaneyaashani dano gaar ah ka lahaayeen maaddaama aanay ahayn beesha cabatay iyo midda laga cawday midnaba sida uu hadalka u dhigay.