Xukumada Somaliland Oo Mushaharkii Ka Jartey Sagaal Wakiil Oo Somaliland U Qaabilsanaa Wadamada Dalka Debediisa
March 25, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa gunadii bilaha ahayd ka joojisay sagaal ka mid ah wakiilada dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Qoraal uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire u kala diray wakiiladan oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Geeska Afrika helay nuqul ka mid ah, ayaa wuxuu guno joojinta ku sababeeyay wakiilada oo aan xafiisyo lahayn.
Qoraalkan oo uu Wasiir Sacad Cali Shire, ogaysiin nuqul ka mid ah ku siiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuna taariikhaysan 21 March 2018, ayaa u qornaa sidan “Markii qiimayn lagu sameeyay wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ee dibadaha, markii la tixgeliyay istaraatajiyada cusub ee wasaaradda ee aqoonsi raadinta, markii la eegay miisaaniyadda wasaaradda waxa la go’aansaday in gunooyinkii la siin jiray wakiilada aan xafiisyada lahayn la joojiyo. Sanduuqna loo sameeyo laga maalgeliyo hawlaha la xidhiidha aqoonsiga, wakiilkuna uu dalab soo gudbiyo kharashka ku baxaya hawl qabadkiisa, sida xaflad, socdaal, olole, xus, kulan iyo wixii la mid ah.