Faah-faahin Ku Saabsan Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
March 26, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Labo ruux ayaa ku dhimatay qof kalana dhaawac ayaa soo gaadhay kadib Qarax goor dhawayd ka dhacay meel aan ka fogeyn Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay meel ku dhow koontaroolka ciidamada oo aan sidaa uga fogeyn Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.