Haweenay U Dhalatay Dalka France Oo Tallaagad Ku Riday Carruur Yaryar Oo Ay Dhashay Iyo Sababteeda
March 26, 2018 - Written by Berbera Today
Paris(Berberatoday.com)-Haweenaydan ayaa waxay carruurtaasi ku riday tallaagada markii ay sidaasi u dhasheen, haweenaydan ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Ramona Kanet waxa aanay da’deedu tahay 38 jir.
Haweenaydan ayaa meydka carruurteeda saddexda ah ku keydinaysay tallaagadaasi muddo toban sano ah, waxaanay ugu dambeyntii ogaatay oo soo saaray meydka carruurtaasi gabadh weyn oo ay haweenaydaasi dhashay.
Sida lagu baahiyey Wargeyska The Local oo Wargeyska himilo ka soo xigtay ayaa waxa kale oo tilmaamay in haweenaydan ay markii arrintaasi la ogaaday loo taxaabay xabsiga waxaana lagu fulin doona xukun maxkamadeed, ilaa haatana ma cada sababta haweenaydan arrintaasi foosha xun ku kalifay, laakiin waxa la filayaa in dhawaan la soo saaro xukun ka dhan ah Mr’s Kanet.