Waddani Oo Taagan Inaanay Doorashada Galayn Haddii Aan Komishanka La Bedelin Iyo Jawaabaha KULMIYE Iyo UCID –
March 31, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in aanu doorashada golaha wakiilada ka qayb geli doonin hadaan la badalin komishanka doorashooyinka, halka xisbiga Kulmiye oo u jawaabay uu sheegay in aan laysu joojinaan, dhanka kalena xisbiga Ucid uu ka sheegay inuu diyaar u yahay inuu galo doorashada 2019-ka.

Xisbiga Waddani ayaa ku doodaya in aanu ku kalsoonayn komishanka dorashooyinka, halka xisbiga Kulmiye uu isaguna xooga saarayo in doorashadu ay wakhtigeedii dhacdo xisbiyaduna ay ka wada hadlaan saami qaybsiga kuraasta wakiilada oo ah arin loo baahan yahay.