berberatoday.com
JIIDALI: Beelo Ku Dagaalamay Sanaag Oo Ku Heshiiyey Inay Mag Kala Qaataan, Isna Siiyaan Hablo Godob-reeb Ah
April 3, 2018 - Written by Berbera Today

Jiidali(Berberatoday.com)-Guddiga Nabadgalyada ee Gobolka Sanaag, ayaa Shalay deegaanka Jiidali ku soo gebogabeeyay Shaqaaqo laba beelood oo Walaalo ah ku dhex martay deegaanka Biyo-guduud oo dhinaca Koonfureed ka xigta Magaalada Ceerigaabo.

Warka labaadShaqaaqada labada Beelood dhex martay oo sababtay dhimasho iyo dhaawac, ayaa Munaasibaddii lagu soo afjarayey isla-markaana lagu waalalaynayey labada dhinac ka qayb-galay Maamulka Gobolka Sanaag, Madax-dhaqameed iyo Taliska Ciidamada Booliiska ee Gobolka Sanaag.

Munaasibaddan Nabadeed, ayaa waxa Qodobbadii labada dhinac ku heshiiyeen waxa halkaas Warbaahinta uga akhriyey Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Waxay Beesha Barig-haye ka bixinaysaa Xoolo dhan 170 Geel ah oo Mag ah iyo Gabadh, Geela labada Beelood ka bixinayaan labada Marxuum  (ee dagaalka ku dhintay) wuxuu dhan yahay 340 Geel ah.”

Badhasaabka Gobolka Sanaag, Maayarka Degmada Ceerigaabo iyo Waxgarad halkaa ka hadlay ayaa u Mahad-naqay Waxgaradka labada beelood ee heshiiskan nabadeed wada gaadhay.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews