Xaaskii Hore Ee Mandela, Winnie Mandela Oo Geeriyootay
April 4, 2018 - Written by Berbera Today
Cape Town(Berberatoday.com)-Haweenaydii u ololeyn jirtay dagaalkii ka dhanka ahaa midib takoorkii Koonfur Afrika Winnie Mandela ayaa geeriyootay iyada oo ay da’deedu tahay 81 jir, waxaa sidaasi sheegay kaaliyaheeda gaarka ah.

Winnie Madikizela Mandela ayaa ahayd xaaskii hore ee madaxwaynihii ugu horreyay ee Afrikanka ah ee xilka qabta Koonfur Afrika Nelson Mandela.