|
berberatoday.com
Dareenka Reer Saaxil Iyo Diidmada Dawlada Hadba Joogta W/Q Cabdikhalaaq Awal Bari
April 6, 2018 - Written by Berbera TodayDAREENKA REER SAAXIL & DIIDMADA DOWLADA HADBA JOOGTA Anoo Kamida Dhalinyarada Gobolka Saaxil Gaar Ahaan Degmada Berbera Isla Markaana Kamida Dadka Xogogaalka U Ah Bulsha Waynta Reer Saaxil Waxaan Aragtiyaha & Fekerka Bulshada Ka Cabiraa Meelaha Mihiimka Ah Ee Lagu Kulmo & Xubnaha Wardoonka Gobolka Ee Shaqadoodu Tahay Inay Helaan Xog & War Sugan Mukhtar A. Eesh-Qiyasak Waa Meelaha Aan Kaqaato Marba Halka Uu Taaganyahay Dareenka Saaxil Mohamed Abdillah Soofadhiiste Isna Waa Source ka Ugu Wayn Ee Soo Gudbiya Dareenka Bulshada Saaxil Labadaas Xubnood Ee Aan soo Sheegay Iyagoo Ah Weriyayaal Madax banaan Hadana Waxaa Waajib Ah Inay Soo Gudbiyaan Jawiga Deegaanka Ay Joogaan. Laga Soo Bilaabo Bilowgii Digreetooyinka Muuse Ay Bilaabmeen Dowladiisan Cusub Waxaa Soo Baxaayay Dareen Xoogan Oo Xanbaarsan Diidmo Kana Imanaaya Bulshada Reer Saaxil Taasoo Leh Dhanacyo Badan Ilaa Hadana Dareenkaasi Waa Mid Sii Xoogaysanaya Iyadoo Lamoodo In Reer Saaxil Ay Kaba Rajo-Beeleed Madaxwayne Muuse Kadib Markuu Kareebay Dhamaan Magacaabisihii Kala Dambeeyay Masuuliyiintii Ay Filayeen In Lasoo Magacaabo Ee Dhiiga Badan Usoo Shubay Kulmiye Sida Kayd Abdilahi Handuleh Halyey Hormuud Eng Mohamed Abdilahi Abdi (Qarbooshe) Mqarbooshe Diiriye Abdirahmwn Awil Hassan Abdirahman Awil Osman Abdi Barkhadleh (Dr Shiine) Osman Abdi Omar Ahmed Omer (Xuuxuule) Oo Ahaa Xoghayihii Guusha Keenay Ee Saaxil & Xunbo Kale Oo Miisaan & Muuqaalba Ku Leh Saaxil. Qodobka Kale Ee Ugu Mihiimsan Ee Lays Waydiinaayo Ayaa Ah Marka Saaxil Lajoogo Muuse Muxuu Horta Siiyay Garabkii Jamal Ali Hussein Ee Kursiga Kufadhiisiyay Taasoo Jawaabteedu Noqonayso Markiiba Waxba Halka Garabkii Ina Muumin Seed Uu Siiyay 2-Wasiir & 2-Agaasime Halkaasna Waxaa Kaaga Muuqanaysa Sida Loo Hagraday Garabkaas Guusha Keenay & Reer Saaxilba Oo Lays Raaciyay Maadaama Jamaal Deegaan Ahaan Kasoo Jeeday Saaxil Wuxuu Muuse Go,aansaday Inuu Israaciyo Walow Jamaal Uu Hogaaminaayay UMAD Ka Balaadhan Saaxil Hadana Waxaa Muuqata Inuu Isku qodbay Labadaas Arin Waana Arin Maanta Aanay Mooganayn Reer Saaxil Hadaba Waxaan Leeyahay Reer Saaxilow Iska Daaya Naawilaada Jilicsan (Meel Aan Lagaa Rabin Indhaha Lalama Sii Raaco) Ayaan Idin Leeyahay Ee Isku Tashada Oo Samaysta Qorshe Cad Oo Mustaqbalka Wax Idiinka Tara Oo Udiyaar Garooba Sidii Labadan Doorasho Ee Soo Dhow Aad Udooran Lahaydeen Cid Idin Metesha Oo Aan Dib Idiin Lugown Ilaahayna Haydin Waafajiyo Wabilaahi Towfiiq COMMENTS
|
||||
|