Muwaadin Udhashay Somaliland Oo Dagaalkii Xabashida Iyo Somalida 41 Sano Kadib Laga Soo Daayay Xabsi Dalka Itoobiya Ku Yaala Iyo Qisada Xadhigiisa
Gabiley(Berberatoday.com)-Cabdi Jibriil Bahdoon,waxa uu dalka Itoobiya ku soo qaatey,Xabsi dheer oo Cimrigiisa qeyb badan oo ka mid ah la wadaagey, kadib markii la qabtey isagoo ka mid ah Ciidamadii Xooga Soomaaliyeed ee Sanadii 1977-kii ka dagaal galey dalkaasi Itoobiya xiligaasi oo lagu Ridey jeelkii uu kasoo baxey Toddobaadkan Gudihiisa.
Ajashiisa Baaqiga aheyd iyo Qoraalka Rabi ayaa ku simey inuu Xiligan mar kale horyimaado qoyskiisa oo afartan sano iyo dheeraad ka hor uga samrey inuu ka mid noqdey Ciiddankii ku dhintay dagaalkaas axankiisana u qadimey markii lagu wargaliyey in aabahood ku dhintey Dagaalkaasi haseyeeshee,waxa ay mar kale murugo iyo dareen culus ku abuurtey caruurtiisii,iyo caruuraha