Gudoomiyihii Golaha Shacabka Dawlada Xamar Oo Iscasilay Iyo Sababta Keentay
April 9, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa goor dhaweyd xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya u akhriyay warqad is casilaad ah oo ka timid guddoomiyihii Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.
Xildhibaannada oo maanta u balansanaa in ay ka doodaan mooshinka ka dhanka ahaa guddoomiyaha ayaa mar kaliya ka war helay qoraalka ka soo baxay Prof Jawaari sheegay in uu iska casilay xilkii guddoonka Golaha Shacabka.