Dawlada Xamar Oo Si Kulul Uga Jawaabtey Hadal Hanjabaad U Muuqda Oo Uga Yimid Imaraadka Carabta + Muuqaal
April 11, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Dawladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay cambaarayn uga timid dhinaca dalka Imaaraadka Carabta oo la xiriritay lacagtii ciidamada amnigu ay ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Muqdishu maalintii Axaddii.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamada amnigu ee Soomaalidu ay qoryo ku qabteen dadkii diyaaradda saarnaa isla markaana ay kala wareegeen $9 milyan iyo 600 kun oo dollar, waxayna ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah shuruucda caalamka. Imaaraadka ayaa sheegay inay arrintaasi jebinaysay is-afgarad ay horey u gaareen Soomaaliya iyo Imaaraadka sannadkii 2014-ka.