berberatoday.com
Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Xildhibaan Ibraahim Kacaan
April 11, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay aas qaran oo maanta loo sameeyey marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo ka tirsanaa golaha wakiillada Somaliland, isla markaana shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

AASKA XILDHIBAAN IBRAAHIM KACAANAASKA XILDHIBAAN IBRAAHIM KACAAN 2Aaska qaran ee maanta loo sameeyey marxuum xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan), ayey ka soo qayb-galeen kumanyaal ka tirsan shacabka iyo madaxda golleyaasha kala duwan ee qaranka, waxaana halkaas laga jeediyey  hadallo la xidhiidha taariikhdii marxuumka, waxtarkiisii iyo doorkii uu ku lahaa dib-u-dhiska qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, waxaana uu geeridiisa ka tacsiyadeeyey ehelka, qaraabada, qoyska iyo guud ahaanba qaranka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,  waxa uu ku dheeraaday aqoonta durugsan ee uu u lahaa marxuum Ibraahim Axmed Haybe, waxaana uu ka marag-kacay dedaalkiisii iyo hal-adaygii uu caanka ku ahaa, waxaana uu yidhi, “Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe waxa uu ahaa rag dhawr iyo soddon ahaa oo mar kasoo wada baxay Cammuud, Ilaa waqtigaana qaranka uun buu u shaqaynayey, da’da iyo talladana waanu isku soo gaadhnay oo nin oday ah buu ahaa, qof walbana wax baa lagu xasuustaaye Ibraahim Hal-adayg baa lagu xasuusanayaa, halkuu istaagona sida looga riixaa way adkeyd, waxaana uu ka mid ahaa dadka dhifta ah ee meeshooda ku adkaysta.”

Shir-guddoonka golaha wakiillada, xildhibaanno, wasiirro, salaadiin, cuqaal, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo aaska ka qayb-galay, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelka iyo qaraabada uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.

https://youtu.be/4qAsFDm1Tvc

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews