Khasaaraha Ka Dhashey Roobab Dabeylo Watey Oo Galabta Ka Da,Ay Magaalada Hargeysa
April 12, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar hada soo gaadhay shabakada Berberatoday.com xafiiskeeda war qabadka ayaa waxaa ay sheegayan in khasaare kala gadisan uu geystay roobab dabeylo watey oo ka da,ay galabta magaalada Hargeysa .
Laamaha amaanka ayaa ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Damdamisku ay bad baadiyeen dad saarnaa laba baabuur oo uu daadku ka dhex qaadey meel biyo mareen ah oo gudaha magaalada Hargeys ah
Sidoo kale daadka ayaa waxaa uu iminka llaagta beerta Cali Waran cade ku qaatey hal gaadhi
Dhinaca kale biyaha iyo roobabkan ayaa waxaa la sheegay in ay khasaare u geysteen suuqa waaheen ee magaalada Hargeysa