Imaaraadka Carabta Oo Kashifay In Heshiiska Dekada Berbera Iyo Saldhiga Ciidan Ay Dawlada Somaliya Ogolaatay,Somaliland Ku Tilmaantay Dal Aan Xidhiidh Lalahayn Dalkooda
April 18, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda Dalka Isutaga Imiraatka Carabta Anwar Mohamed Qarqaash oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da laanteeda afka Carabiga ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin Midnimada Soomaaliya, isagoo caddeeyay in aanay wax xidhiidh ah la laheyn Somaliland, isla markaana Qunsuliyad iyo Safaarad midna ku laheyn.
Wasiirka ayaa Sidoo kal yidhi ,,Arrinta Dekeda Berbera waxay ku dhacday is faham cad oo aan la yeelaneynay dowladiii hore ee Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamud Hogaaminaayay, is fahamadaas waxay ahaayeen kuwo cad cad, waxay hoos imaanayeen taageerada Soomaaliya oo mid ah, innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradana kuma lihin, xidhiidhna lama lihin, iskaba daayee waxaa kaalin fududeyn ka qaadanay inaan kulamo u qabano madaxda Soomaalida.