berberatoday.com
“Haddaan Anigu Madaxweyne Iyo Noqon Lahaa Muuse. Marwadayda Reerkay Tahaan Mudanka Siin-laaye. Waxa Moorgan Ii Noqon Lahaa Mac Iyo Jeegaane. Madaxtooyadaa Noqon Lahayd Meelan Leeyahaye.”Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)
April 19, 2018 - Written by Berbera Today
Haddaan anigu madaxweyne iyo noqon lahaa muuse.
Mijin iyo waxaan Cuni lahaa laba marduuf qaadka.
Mirqaankaan habeenkii dabeed suuqa miran-laaye.
Muuqeeda gabadhaan arkaba waysku mari-laa.
Haddaan anigu madaxweyne iyo noqon lahaa muuse.
Marwadayda reerkay tahaan mudanka siin-laaye.
Waxa moorgan ii noqon lahaa mac iyo jeegaane.
Madaxtooyadaa noqon lahayd meelan leeyahaye.
Haddaan anigu madaxweyne iyo noqon lahaa muuse.
Midi iyo waxaan tuman lahaa boqol madiiloode.
Qof kastoo muncaarida judhaan madaxa goyn-laaye.
Ruuxii i maaggaba laf-baan malow ka siin-laaye.
Haddaan anigu madaxweyne iyo noqon lahaa muuse.
Maalkiyo waxaan guran lahaa moodka iyo noole.
Murdisiyo waxaan noqon lahaa madhiye xoolaade.
Miskiin wax uma reebeen bulshada maati iyo caydha.
Haddaan anigu madaxweyne iyo noqon lahaa muuse.
Milatari waxaan diran lahaa rida madaafiice.
Magaalooyinkaan gubi lahaa maalin gudaheede.
Maafiyo waxaan noqon lahaa mur iyo deebaaq ah.
Hadaan anigu madaxweyne iyo noqon lahaa muuse.
Magacaa cirriyo faysal-baan toori marin laaye.
Mansab qudha giraan uma dirteen maamul gebigiiye.
Waxa iga mamnuuc noqon lahaa xal iyo maamuuska.
Haddaan anigu madaxweyne iyo noqon lahaa muuse.
Maansoole waan xidhi lahaa mariya suugaane.
Media-yaha kii wax iga qora waa makalilaaye.
Xornimada mishiin lagu ridqaan meel u dhigan-laa
Abwaan Xiis Maxamed Cilmi Sahanfool
Berbera Somaliland
COMMENTS
|