DaawoMuuqalka”Toobabare Arsene Wenger Oo Mudo 22 Sanadood Ah Layliyaayay Kooxda Arsenal Oo Ku Dhawaaqay Inuu Iscasilay
April 21, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Ka dib 22 sannadood, kooxda kubadda cagta dalka ingiriiska ee Arsenal, ayaa maanta goor dhawayd ku dhawaaqay in Arsene Wenger uu kooxda ka tagayo xili dhamaadka sannadkani oo ku beegan bisha soo socota ee May.
Arsene Wenger ayaa ahaa halyay, wax weyn ku soo kordhiyay kooxda Arsenal wuxuu u qaaday kooxda seddex horyaal oo Premiere League iyo todoba koob oo kuwa FA cup ah iyo afar koob oo ah kuwa loo yaqaan Super Cupka, wuxuu noqday maareeyaha kooxda Arsenal sannadkii 1997 kii, markaasi oo hoyga Arsenal ahaa garookii Highbury, sannadkii 2006 dii ayey kooxda Arsenal uga guurtay garoon casri ah oo weyn oo ay ka dhisteen waqooyiga magaalada London Emirates Stadium, kaasi oo dhismahiisa uu ku kacay lacag dhan 400 oo malyuun oo giniga dalka ingiriiska ah, oo marka u dhigmaysay ilaa 800 oo malyuun oo dollarka maraykanka ah.
Wuxuu ka dhigay kooxda Arsenal mid cayaarteeda iyo qaabka ay kubadda u cayaaran aad loo ammaanay, hayeeshe dhawrkii iyo tobankii sanno ee ugu danbeeyey, kooxda ayaa hoos uga dhacday miisaankii laga filaayay.
Tababaraha kooxda Juvuntus Aleggri, ayaa la filaya inuu bedelo Arsene Wenger.
Kooxda Arsenal ayaa ah naadiga lixaad ee dunida ugu qanisan, waana naadiga seddexaad ee dalka ingiriiska ugu qanisan, mushaharka Arsene Wenger ayaa sannadkii 9 malyuun oo giniga dalka ingiriiska una dhiganta ilaa 14 malyuun oo dollarka maraykanka ah.