Muranka ka Taagan Buuxinta Kursigii Golaha Wakiillada Ee Uu Ka Baxay Marxuum Ibraahim-kacaan Iyo komishanka Oo La Sheegay In Ay Qoraal Ugudbiyeen Maxkamada Sare.
April 25, 2018 - Written by Berbera Today
Ma Dhab Baa In Komishanku Maxakamadda Sare U Gudbiyey Magacyada Saddex Xubnood Si Ay U Soo Kala Saaraan Cidda Buuxinaysa Jagadan?
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaan weli soo Saarin cida buuxinaysa Kaalintii uu banneeyay Marxuum Ibraahim Axmed Haybe Kacaan oo dhawaan ku geeriyooday Hargeysa, kana Tirsanaa Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee ugu jiray xisbiga Kulmiye.
