Qaramada Midoobey Oo Ka Hadashey Saldhiga Imaaraadku Ka Dhisanaayo Magaalada Berbera
April 25, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaramada Midoobey ayaa waxaa mar kale la weydiiyey Mowqifka qaramada Midoobey ee Saldhiga ay Dawlada UAE ka dhisaneyso Berbera iyo weliba khilaafka dhinaca maamulida hawda ee Somaliland iyo Somaliya .

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Mr Stephane Dujarric oo 23.04.2018shir saxaafadeed u qabtey saxaafadaisaga oo ka mid ahaa waftigii uu xoghayaha guud hogaaminaayey oo safar ku tagay dalka Sweden ayaa waxaa uu si kooban oo aan cadeyn uu uga jawaabey Mowqifka qaramada Midoobey ee saldhiga ay dawlada Imaaraadku ka dhisaneyso magaalada Berbera oo ay saxaafadu weydiisay .