Mudaharaad Lagaga Soo Hor Jeedo Xadhiga Boqor Buurmadow Oo Ka Socda Bariga Magaalada Burco
April 27, 2018 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah xaafadaha bariga magaalaa Burco
waxaa ka socdo mudaharaad lagaga soo hor jeedo xadhiga ay xukuumada Somaliland utaxaabtay Boqor Cismaan Buurmadow .
Mudaharaadkan ayaa waxaa dhigaya dad u badandhalinyaro iyo haween isla markaana ciidamada Booliska ayaa isku dadaya in ay kala dareeriyaan
Boqor Cismaan Awmaxmud Buurmadaw ayaa maalintii shalay Maxkamada Gobolka Maroodijeex ee Hargeysa ku riday xukun Dag dag ah oo oo shana sanadooda kaas oo aan dacwadiisa siday ahayd loo qaadin hase yeeshee la midi roorteeyay.