Barcelona: 10 Sannadood Oo Ay Dunida Ciyaaraha Kubada Cagta Utalinaysay Iyo 94 Ciyaartoy Oo Taariikhda U Galay
April 30, 2018 - Written by Berbera Today
Barcelona(Berberatoday.com)-Taariikhda cusub ee Barcelona waxay bilaabantay sannadkii 2005 markii xiddigo da’yar oo soo baxay iyo xiddigo kale oo ay soo iibsadeen ay fikir cusub iyo dhiig cusub oo dhaqaajiya ka dhigeen kooxdaas, waxaanay muddadaas ku guuleysteen koobab badan.
Raga laga xuso in ay yihiin horseedeyaasha guusha Barca waa saddex nin oo kala ah Messi, Ronaldinho iyo Xavi Hernandez. Sidoo kale, Dmytro Chygrynskiy iyo Alexandre Hleb.
Eric Abidal oo dagaal adag la galay cudur ku dhacay oo beerka laga beddelay, Pep Guardiola oo tababare noqday, Andres Iniesta oo tobankii sannadood ee la soo dhaafay ahaa mishiinka khadka dhexe, Zlatan Ibrahimovic, Henry iyo Eto’o ayaa dhamaantood baalal dahab ah kaga jira kooxdaas.