berberatoday.com
Golaha Wakiillada Oo U Ololaynaya In Haamaha Shidaalka Dawladdu La Wareegto Iyo Khayre Oo La Ogaaday Inuu Saami Ku Leeyahay
April 30, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha guddida ilaalinta hantida Qaranka iyo daba galka musuqmaasuqa ee golaha wakiillada xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa mar kale sheegay in ay hayaan xaqiiqooyin ku saabsan in ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre saami ku leeyahay shirkadda Som Oil oo qayb ka ah maamulka haamaha shidaalka Berbera.

Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sheegay in sherkadda Som Oil ee uu leeyahay raysal wasaare Khayre kana hawlgasha deegaanada Somalia ay qayb ka tahay ganacsatada sheerka ku leh haamaha shidaalka Berbera oo ay xukuumaddii hore sifo muran badan leh u wareejisay

 

 

“waxaan u malaynayaa inaanay taasi wax muran ah galin Karin, qof kasta oo aqoon leh ha galo Google ha ku dhufto Som Oil, sherkadaasi waa sherkad ka shaqaysa muqdisho, xitaa kaalmo shidaal ayay Som Oil Muqdisho ku leedahay haddii aad baadhaan aad bay u cadahay, anaguna waxaanu haynaa oo xaqiiqo ah in sherkadaas Khayre saami weyn ku leeyahay, dad reer Somaliland ahina saami ku leeyihiin, laakiin waxa cajiib ah marka laga hadlayo Berbera Oil group waa inay haysaa saamilayda ku qoran si ay u ilaaliso amniga dalka, anagu markii aanu Berbera joognay ee aanu la kulanay ee aanu nidhi saamilaydii ma haysaan, ma hayno bay yidhaahdeen”.

Warsaxaafadeed ay sherkadda Soma Oil and Gass soo saartay 23-kii Feberuary ee sannadkii hore 2017 ayaa ay ku sheegtay in Xasan Cali Khayre oo ahaa agaasimihii Som oil ee Afrika uu is casilay maadaama loo magacaabay Raysal wasaaraha dalkiisa Somalia, sidoo kale waxa ay sheegtay inuu la noqday dhammaan saamigii uu ku lahaa sherkadda, hase yeeshee marka laga yimaado warsaxaafadeedkaas ma jirto cid cadayn karta inuu Khayr ka baxay saamilayda Soma Oil ad Gass.

Geesta kale Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sheegay in maalinta sabtida ee todobaadkan ay mooshin ka dhan ah haamaha shidaalka hor keeni doonan golaha wakiillada “waxa jira mooshin golaha wakiillada JSL ay wadaan oo ka dhan ah haamaha shidaalka, waxaanay ku qotontaa warbixintii ay guddiga dabagalka musuqu soo bandhigtay iyo golaha oo markii hore ee la wareejinayayba diiday markaa si loo sugo amniga qaranka golaha wakiilladu waxay wadaan mooshin ah sidii gacanta dawladda loogu soo celin lahaa haamaha kooramkii loogu talo galayna wuu dhan yahay” ayuu yidhi Naasir Cali Shire oo ka hadlayay mooshinka sabtida ay keeni doonaan golaha wakiilladu.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews