Madaxweynaha Dalka Philippine Oo Shacabkiisa Ka Mamnuucay Inay U Shaqo Tagaan Dalka Kuwait Iyo Sababta Keentay
April 30, 2018 - Written by Berbera Today
Philippine(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Philippines, Rodrigo Duterte ayaa shacabka dalkaasi ka mamnuucay inay u shaqa tagaan dalka Kuwait.
Duterte ayaa bishii Febraayo ee sannadkan xayiraad kusoo rogay dadka dalkaasi ee u safra Kuwait, kadib markii qof shaqaale ah oo u dhashay dalka Philippines lagu dilay wadanka Kuwait.
Madaxweynaha dalkaasi ayaa sidoo kale ku booriyay labada boqol iyo kontonka kun ee qof ee u dhashay dalka Philippines inay dib ogu laabtaan dalkooda.