Warbaahinta ‘African Arguments’ Oo Shaacisay Kaalinta Dekedda Berbera Ka Qaadanayso Isbeddelka Geeska Afrika
May 2, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mareegta caanka ah ee African Arguments ayaa maanta warbixin ka qortay faa’iidada ay Somaliland u leedahay casriyeynta dekedda Bebera oo lagu wado inay noqoto marinka mandaqada Geeska Afrika.
Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay qormada ay daabacday shabakada African Arguments oo fallan-qeysa siyaasadda iyo dhaqaalaha qaarada Afrika, oo si mug leh u sharraxday ahmiyada weyn ee Somaliland ugu fadhido heshiiskii ay la gashay shirkadda DP World.
Africa Arguments waxay sheegtay in Somaliland ay ku talaabsatay dimuqraadiyad iyo deganaansho siyaasadeed, inkastoo ay haystaan caqabado dhaqaale oo ay ka mid tahay shaqo la’aantu. waxa kaloo ay intaas ku dartay in xukuumadda Somaliland ay rajaynayso in heshiiska ballaadhinta dekeddu ay abuuri doonto fursado shaqo oo badan.