Dawlada Ingiriiska Oo Bayaamisay Inay Taageersantahay Qaddiyadda Madax Banaanida Somaliland, Balse Haddana Iska Ilaalinayaan Inay Noqdaan Dalka U Horeeya Ee Aqoonsada
May 3, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa (Berberatoday.com)-Majalada caanka ah ee “the New Statesman” ee ka soo
baxda dalka Ingiriiska, ayaa shalay baahisay in dawladda Ingiriisku doonayso inay taageerto qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, laakiin haddana ay jirto cabsi haysa taas oo ku qasbaysa inaanay doonayn inay noqoto dalka u horeeya ee aqoonsada Somaliland.
Majaladan, ayaa sheegtay in dawladda Ingiriisku iftiimisay inay doonayso inay taageerto qaddiyada madaxbanaanida Somaliland, laakiin aanay haddana doonayn inay noqoto dawladda u horaysa ee banaanka u soo baxda, “Iyadoo ka cabsi qabta.” Ayay warbixintu tidhi, “In lagu eedeeyo inay dib u gumaysanayso maxmiyadeedaas hore [Somaliland].”