Xubno La Baxay Garabta Toosinta WADDANI Oo Dacwad Ka Gudbiyey Guddoomiye CIRRO
May 3, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Garabka Badbaadada Xisbiga WADDANI ayaa Maanta Guddiga Diwaangelinta Ururrada siyaasadda u gudbiyey Dacwad ka dhan Guddoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan-Cirro.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole oo Xubnaha ka mid ah oo Warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Anagoo ah Garabka badbaadada ee Xisbiga WADDANI waxaanu gudbinay Dacwad ka dhan Guddoomiyaha oo aanu u aragno inuu si deg-deg ah oo aan wada tashi lahayn, Sharcigii Xisbigana baal-marsan uu ku eryey xubno ka mid ah kuwii ugu sarreeyay Xisbiga, oo ay ka mid yihiin Xoghayihii, Guddoomiye ku-xigeenkiisii. Dacwaddayadu maaha mid Cabasho ah, balse marka Xisbigu is-khilaafo halka lagu noqdaa waa Sharciga, halkani waa Guddiga Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda, markaa annagu ma rabno inaanu ka hadalno wax Sharciga baal-marsan..”