Hooyo 420 Dollar Ku Iibisay Gabadheeda + Sababta Iyo Dalka Ay Ku Nooshahay
May 5, 2018 - Written by Berbera Today
Afganistan(Berberatoday.com)-Hooyo dhashay laba carruur ah oo ku sugan dalka Afghanistan, ayaa iibisay gabadheeda oo shan bilood jir ahayd, si ay lacag lagu daweeyo ugu hesho qof ay qaraabo yihiin.
Arrintan ayaa walaac qoto dheer ka abuurtay dalka Afghanistan, waxaana saraakiil iyo shaqsiyaad kale ay uruuriyeen lacagtii dawada loogu baahnaa iyo lacag dib loogu soo celiyo canuugii la iibiyey.
Hooyadan oo lagu magacaabo Obaidah ayaa ku nool magaalada Mimanah ee gobolka Faryab, waxaana ay xaas ahayd muddo shan sano ah.