Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Kordhisay Qiimihaha Biyaha 52%
May 5, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qiimaha biyaha ee wakaaladda biyaha Hargeysa ayaa muddo dheer ka dib dib la kordhiyay qiime dhan 52%.

Bulshada reer Hargeysa, intooda hesha biyaha wakaaladda biyaha Hargeysa ayaa biilka halkii mitir kuyuubic (Meter cubic) waxa loo xisaabin jiray 9500 oo lacaga Somaliland ah, laakiin toddobaadkan ayaa la kordhiyay oo laga dhigay 14500. Qiime kordhintan ay maamulka wakaaladda biyaha Hargeysa sameeyeen ayaa marka loo eego qiimihii hore wuxuu boqoley ahaan noqonayaa in la kordhiyay 52%.