Dawada Antibaayootiggu Waxa Ay Carruurta Ku Keentaa Xiiq, Xasaasiyad, Sanboor Iyo Khataro Caafimaad Oo Badan
May 6, 2018 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Maraykanka ayaa ka digay khatarta caafimaad ee dawooyinka ‘Antibaayootiga’ iyo Kuwa Asiidhka caloosha lagu yareeyaa ay u leeyihiin ubadka yaryar, waxa aanay magacaabeen qaar ka mid ah xanuunnada ay dawooyinkani ku keenaan carruurta, gaar ahaan kuwa ay da’doodu ka yar tahay lixda bilood.
Xeeldheereyaal ka tirsan jaamacadda caafimaad oo uu milaterigu leeyahay iyo xarunta caafimaadka milateriga ee Eisenhower ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in isticmaalka dawooyinka ‘Antibaayootigga’ iyo dawooyinka asiidhka caloosha lagula dagaalamo ay khatar ku yihiin carruurta aad u yaryar, maadaama oo ay u badan yihiin in ay ilmaha ku keenaan xanuunnada xasaasiyadda iyo xiiqda. Waxa kale oo ay cilmibaadhayaashu sheegeen in dawada Antibaayootigga oo muddo ilmaha la siiyaa ay sababto in jidhkiisu uu awood u yeesho iska caabbinta dawadan, sidaa awgeedna aanay dawadu waxba u tarin marka dambe.