Talooyin Muhiim Ah In Bisha Soonka Ka Hor Ay Ku Dhaqmaan Bukaanka Qaata Dawooyinka Joogtada Ah
May 6, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa dunida muslimka oo dhan looga diyaargaroobayaa bilaabashada bisha soonka oo la sugayo badhtmaha bishan aynu ku jirno, waxa aana xilligan oo kale aad u soo baxa su’aalaha dhinaca caafimaadka ee la xidhiidha bisha soon iyo dadka bukaanka ah. Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera waa ay soo bandhigaysaa talooyin caafimaad oo ay xeeldheereyaasha xarunta caafimaadka ee Xamad oo ku taalla dalka Qatar u soo jeedinayaan dadka qaba cudurrada la’la noolaado sida macaanka iyo dhiigkarka, waxa aanay ku taliyeen in ay dhakhtar la tashadaan ka hor inta aanay bisha soon bilaabmin, si qofku u ogaado xaaladdiisa runta ah, qaabka ugu habboon ee ay tahay in uu dawada u qaato iyo talooyinka la xidhiidha hab nololeedka looga baahan yahay xilliga soonka, waxa kale oo uu qaadanayaa talooyinka la xidhiidha isbeddelka xilliyada dawo qaadashada.