|
berberatoday.com
Baadhitaan Aan Ku Sameeyay Biyaha Safaysan Ee Caagadaha Oo Ku Ogaaday Saamayn Caafimaad Daro Oo Bulshada Somaliland Ku Hayaan W/Q Rakad Mxd Sultan
May 7, 2018 - Written by Berbera TodayW/Q Rakad Mxd Sultan Baadhitaan aan ku sammeeeyay Biyaha sifaysan ee mooyo saxadda iyo saameynta ay nolosheenna ku leeyihiin. Shirkadaha soo saara biyaha sifaysan ayaa tayadoodu aad u hooseysaa, isticmaaalka biyaha oo sii kordhaya, iyo mooganaanta shacabka runtii haddii qaarkood la baadho dad badan oo kalyuhu fadhiisteen ayaa loo qabsan lahaa waxaanna tusaale kuugu filan Biyo ay cabbayaan dadyaw isku mid ah oo haddana ay aad u kala duwan yihiin macdanaha ay ku darayaan tolow saammayn caafimaad oo intee le’eg ayuu ku yeellanayaa inta cabta? Maxaa loogu kala duwan yahay macdaha lagu daray biyaha? Miyaannay dad isku mid ahi cabbayn? Miyaanay shirkaduhu ogayn in dad badan biyaha laga raacay? Shirkaddanni waxay ka dhigeen macdanaha ay ku daraan biyaha “INGREDEINTS” sidatan:- Kaliya haddii aad Akhridid oo isku eegtid wax badan ayaad ila arki doontaa…. Biyaha sixa 0. pH. : 6.5 Biyaha Dasani 0. pH. : ma ku cadda waraaqda Biyaha Saxansaxo 0. pH. : 7.8 Biyaha Maaxda 0. pH. : 7.44 Biyaha Zamzam 0. pH. : 7.5 Biyaha Golis 0. pH. : 7.5 Biyaha Tayo mineral water 0. pH. : 7.5 Biyaha Xays 0. pH. : 7.5 Biyaha Mina 0. pH. : 7.40 Su’aalaha in hor yaalla waxay weeyi waraaqdan miyaa la iskaga qoray macdanahan mise waa sax dhammaantood? ■Dawladdii tayadooda hubin lahayd ma awoodo cid kalena haddalkooda daa? ■Xalku muxu noqonayaa haddii ay sidan ku sii socoto xaaladdu? ■Shacabka maxaa la gudboon? ■Biyahee ugu tayo wanaagsan marka aad sidaa u aragtaan kala duwanaan shahooda? ■Dawladda maxaa uga qorshaysan Shaybaadhka biyaha iyo sharaabka innay keento? Maxaan ogaaday ■ in macdanuhu aad u kala duwan yihiin Xal iyo talo bixin ■ In dawladu aad ula socoto shirkadaha biyaha soo saara oo ay dabagal shaqo ku sammeeyaan. ■ In shirkaduhu soo saaraan biyo la mida kuwa caalamiga ah. ■In la mideeyo macdahan kala duwan. Qalinkaagu ha u hiiliyo inta aan xog badan ka hayn waxyaalaha noloshooda saamaynta ku leh. Waxaan su’aal jawaab ka sugayaa inta aqoonta u leh Shaybaadhka iyo kala duwanaanshaha macdanahan aad arkaysaan… Share / lawadaag asxaabtaadda. Rakad Mxd Sultan. ![]() ![]() ![]() W/Q Rakad Mxd Sultan
COMMENTS
|
||||
|