|
berberatoday.com
Dawlada Sacuudiga Oo Si Rasmiya Xayiraadii Uga Qaadaya Xoolaha Soomaalida Iyo Xiliga Dhoofkoodu Bilaamayo
May 8, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Xayiraadii Saarnayd Dhoofka Xoolaha ee Dalka Boqortooyada Sacuudiga oo Si rasmiya Looga qaadayo wadamada Somaliland iyo Soomaliya
Illo Xog Ogaala oo kamida ganacstada xoolaha Kuna Sugan dalka Sacuudiga Ayaa U Xaqiijiyay Warbaahinta in Kowda Bisha ramadaan in Gabi Ahanba Laga Qaadayo xayiradii Xoolaha Somalida Saarnayd
Wasaarada beeraha iyo Xoolaha ee dalka sacuudiga oo Mudaba ka Fikiraysay ,baadhitaana Ku haysay Wixii sababay in la Joojiyo Xoolihii dalkaaasi ka Tagi jiray Dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Magaalada Muqdisho Ayaa Xiligan garwaaqsaday , Aqbalayna dalabyadii Dublamaasiyadeed ee Ganacsatada Xoolaha Ee Soomaalida Ahi ka Cod sadeen in La fasaxo Dhoofka Xoolaha ee Dekadaha Aan Kusoo Xusnay
Dagaalka ganacsiga ee Xoolaha Ayaa Sii Xoogaysnaya, Waxaana gacanta Kula jira Ganacsato carbeed oo maalqabeeno ah oo Macjaro Xoolaha Lagu Dhakhtaryo ka Furtay Somaliland iyo Soomaaliyaba, dalka jabuuti iyo Kuwo Soomaali ahba
Dib aan idiin xasuusiyyee xayiraadii u danbaysay waxaa sababay xoolo laga raray macjarka ganacsadaha abu yaasir ee magaalada xamar
xayiraadaa ka dib bil gudaheedna wuxuu xoolihiisa ka rarayay magalaada jabuuti kadib markii uu albaabada u xidhay dekadihii berbera iyo boosaaso oo xayiraadii uu sababta u ahaa saamaysay ilaa iminkana uu sidii uga raro
sidaynu la socono, Ayuu Yidhi ganacsadahani labadii jeer ee sacuudigu qaadacay dhoofka xoolaha mandaqada geeska afrika waxa u sabab ahaa dagaalkaa ganacsiga xoolaha
isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa ku daray gancsadhani mar uu ka hadlaayay lugta aay ku leedahay dalka dalka jabuuti
Dalka Jabuuti Waxaay Geed Dheer iyo Mid gaabanba u fuuleen Sidii aay u xidhi lahaayeen Dekadaha Berbera iyo Boosaaso in xoolo ka Dhoofaan, taa waxa markhaati cad u ah in maanta xoolihii ka dhoofi jiray dekada berbera la geeyo dekada jabuuti , xeebta ayaa la mariyaa xoolahaa iyagoo lagusooo raray baabuur
Berberatoday.com
COMMENTS
|