Khasaare Baaxad Leh Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ah Oo Ka Dhashay Dagaalka Beelaha Walaalaha Ku Dhex Maraya Ceel-Afweyn
May 10, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dagaal khasaare badan dhaliyay ayaa mar kale shalay ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag, kaas oo u dhexeeya beelo walaalo ah oo dhawr goor ooh ore dagaalo dhex mareen.
Dagaalka oo ka dhacay deeganka Ceel-afweyn ayaa waxa ku dhintay 15 ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro badan. Dhimashada ayaa isugu jirta labadii dhinac ee dagaalamayay, waxaanay dadkani ku kala dhinteen gudaha magaalada Ceel-afweyn iyo deegaanka Ceel Nimcoon ee toga Dhigin.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa baaq nabadeed u diray beelahaas walaalaha ah ee ay colaadoodu soo noqnoqotay, waxaanu yidhi “Waxa aan halkan baaq uga dirayaa beelaha ceel af-weyn ku dagaalamaya, dagaalkaas oo riiq dheeraaday oo saakana [shalay] meelo badan ka bilaabmay, waxaan ugu baaqayaa dadkaa walaalaha ah ee islaynayaa inay dagaalka joojiyaan, dhiigga bilaa micnaha u daadanaya inay joojinayaan ayaan baaq dheer ugu dirayaa.