Kuuriyada Waqooyi Oo Siidaysay Muwaadiniin U Dhashay Dalka Maraykanka
May 10, 2018 - Written by Berbera Today
Piyoyang(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladda Kuuriyada Waqooyi ay xabsiga ka siidaysay 3 muwaadhiniin Maraykan ah oo u xirnaa dowladdaasi.
Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Mike Pompeo uu hawada kusoo jiro, diyaaradana ay la saaranyihiin 3 muwaadhiniintooda ah oo lagu hayay dalka Kuuriyada Waqooyi.
Saddexdan qof ee heysta dhalashada Maraykanka ayaa lagu kala magacaabaa Kim Hak-song, Tony Kim iyo Kim Dong-chul, kuwaas oo lagu hayay xabsi ay ka jirto ciqaab daran oo shaqo.