Sarkaal Katiursan Xisbiga Kulmiye Oo Lagu Dilay Magaalada Laascano Ee Xarunta Gobolka Sool
May 11, 2018 - Written by Berbera Today
Xoghayihii xisbiga KULMIYE ee Gobolka Sool Maxamud Barkhadle Cabdi ayaa caawa lagu hor dilay farmasi uu ku lahaa xaafada Daami ee magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Isaga oo Marxuumku Xiligaas Uwaso Qaadanaya salaadii Makhrib sida la sheegay.
Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarla lagu dilay masuulkan ayaa warbaahinta u sheegay in niman qoryo ku hubeysan ay rasaas ku fureen kadibna ay ka baxsadeen goobta.
Goobta lagu dilay waxaa 150M u jiray saldhig booliis.
Kiisaska dilalka ayaa kusoo badanaya magaalada Laascaanood iyadoo bishii hore dil toogasho lagu dilay ganacsade caan ka ahaa magaalada.