Anwar Qarqaash Oo Mar Kale Ka Hadlay Mawqifka Imaaraadka Carabta Ee Somaliland Iyo Soomaaliya
May 12, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Qarqaash, ayaa sheegay in Imaaraadka Carabtu aaminsanyahay Soomaaliya mid ah, wuxuuna sheegay in UAE ay awoodaan xaqna u leeyihiin inay taageeraan dadka reer Somaliland.
Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa shalay baahisay warbixin dheer oo ay ciwaan uga dhigtay “Imaaraadku waxa ay Milateri ahaan isku fidinayaan Yemen iyo Soomaaliya”, taas oo ay kaga hadashay
Ciidamada Imaaraadka Carabta oo toddobaadkii hore tagay jasiirada Suqadara, iyagoo ciidamadu watay Taangiyo iyo diyaarado dagaal.