War Deg Deg Ah”Golaha Deegaanka Berbera Sadex Xildhibaan Oo Katirsan Golahaas Ganaax Anshax Marina Ku Fuliyay
May 12, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Golaha deegaanka degmada Berbera ayaa maanta anshax marin ku sameeyay saddex xildhibaan oo ka tirsan golahaasi kuwaas oo warbaahinta mariyay hadallo xanaf iyo Xajiin leh oo ay kaga hadleen shaqaaqo ka taagan deegaanka Bahdoon oo ka tirsan Gobolka Saaxil.
Xildhibaanadan oo kala ah Rashiid Cabdi Haaruun, Maxamed Cali dheere iyo Cali Cabdi Dheere waxa lagu gannaaxay in Hal kalfadhi golaha aanay ka soo xaadirin iyo in midkastaa bixiyo saddex milyan oo shilling Somaliland ah.