Daawo Muuqalka”Qaramada Midoobey Oo Madaxweynaha Somaliland Kala Hadashey Arinta Tuko-raq
May 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Mr Michael Keating.

Kulankan uu madaxweyne Muuse Biixi la qaatay danjire Michael Keating, ayaa waxa ku wehelinayey, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Cali Jaamac iyo wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Sacad Cali Shire, waxaana lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo u ubucdoodu ahayd sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ay Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay qaramada midoobay.