Daawo Sawirada”Qaabkii Madaxweynaha Dawlada Xamar Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Qatar
May 14, 2018 - Written by Berbera Today
Qatar(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Qatar Mudane Jassim Sayf Axmed Al Sulayti, Ku Simaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda.