Dibloomaasi Sare Cabdiraxiim Caabi Faarax Oo Dalka Mareykanka Ku Geeriyooday Iyo Wariye Axmed Siciid Cige Oo Taariikhdiisa Warbixin Ka Qoray
May 14, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa xalay ku geeriyooda alla ha u naxariistee magaalada New york Cabdiraxiim Caabi Faarax kaaliyihii hore ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay 1973-1978 iyo kuxigeenkii xoghayaha guud ee qaramada midoobay 1979-1990 .wuxuu ahaa dibloomaasi Soomaaliyeed oo caan ahaa oo keli ku ahaa inuu derejadaa gaadho,
Waxaa geerida alla ha u naxariistee Cabdiraxiim Caabi Faarax oo hadda da’diisu ahayd 98 sano jir xaqiijiyay Cabdillaahi Maxamed Aar iyo Xasan Cabdillaahi Caabi oo ka tirsan qoyska .