War Deg Deg Ah”Shirkadaha Isgaadhsinta Oo Khadkii Telefoonada Ka Jaray Laba Magaalo Oo Somaliland Ku Yaala Iyo Sababta Keentay
May 14, 2018 - Written by Berbera Today
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Sida ay warbaahinta Madaxa Banaan Usheegeen shirkadaha isgaadhsiinta Bixiya ee Somaliland waxaa ay khadkii telefoonada ka jareen laba magaalo oo ku yaala Gobalka Sanaag .
Labadan magaalo ayaa waxaa ay kala yahiin Ceel Afweyn iyo Darar Weyne waxaana sababta isgaadhsiinta deegaamadaas looga jaray lagu sababeeyay dagaalada ahliga ah ee deegaamadaas ku dhex maraayay beelaha walaalaha ah ee kuwada dhaqan.
Waxaana la sheegay in shirkadaha Isgaadhsiinta bixiya ay Xukumadu ku amartay ina gabi ahaanba deegaamadaas isgaadhsiinta ka jaraan ilaa inta xal waara laga gaadhayo colaada beelaha walalaha ah deegaamadaas ku dhex martay ee soo noqonoqotay iyadoona ay deegaamadaas ku sugan yihiin ciidamada qaranka iyo Wasiiro Xukumada katirsan ee xal uhelida shaqaaqada halkaas ujooga,
Berberatoday.com