Itoobiya: Dareen Ka Dhashay Gabadh Meydkeeda Laga Helay Qabri-dahare
May 16, 2018 - Written by Berbera Today
Itoobiyaa(Berberatoday.com)-Wararka ka imanaya magaalada Qabri-dahare ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in haweenay dhallinyaro ah meykeeda laga heley meel saldhig ciidan ah oo sida la sheegay lagu xidhay mar sii horeysay.
Maxamed Xiis Kallane oo gabadha adeerkeed ah, kuna sugan magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa BBC-da u xaqiijiyay geerida gabadha, wuxuuna sheegay in gabadha ay qabteen ciidanka maamulka, saacado markii ay hayeena ay reerka ku wargaliyeen in ay is dishay.
Maxamed Xiis waxa uu intaas ku daray in Xalay gabadha meydkeeda la geeyay cisbitaalka ciidammada federaalka, kadibna lasoo xaqiijiyay in la dilay.