Qaramada Midoobey Oo Ka Hadashey Dagaalkii Shalay Ee Tuko-raq + Akhriso
May 16, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaramada Midoobay ayaa waxay ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukaraq oo ay isku heystaan ciidan ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland.

Shalay oo ugu dambeysay waxaa dagaal uu dhexmaray ciidanka Somaliland iyo Puntland, wuxuuna dagaalkaas geystay khasaare kala duwan oo labada dhinac soo gaadhay, maadaama uu socday illaa gelinkii dambe.