Akhriso :- Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Dabaylo Iyo Duufaan Ku Dhufatay Deegaanada Qaybo Ka Mida Puntland Iyo Somaliland
May 18, 2018 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Sida ay saadaalinayaan khubarada saadaasha hawada, dabeylo ka kacay gacanka cadmeed ayaa isu beddelay duufaan xoog leh oo saameyn ku yeelatay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.